Pope Francis oo soo saaray digniin ku saabsan xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar

Pope Francis ayaa soo saaray dhaleeceyn ku adaan xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar.

Hogaamiyaha Catholics ee dunida ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan kooxda qowmiyadaha laga tirada badan yahay loo dilo "si fudud sababtoo ah waxay doonayaan in ay ku noolaadaan dhaqankooda iyo iimaankooda Muslimka.

" Pope ayaa sheegay in dadka Rohingya lagu qasbay in ay u guuraan kolba meel, maxaa yeelay, qofna iyaga ma doonayo." "Laakiin iyagu waa dad wanaagsan, oo nabada jecel.

Iyagu ma aha Christian. Iyagu waa dad wanaagsan. Waa walaalaheen ayuu intaa ku daray, isagoo la hadlayay dadweynaha ee ciwaanka guud ee toddobaadlaha ah.

Dhanka kale hadaladiisa, Pope Francis ayaa codsaday in loo duceeyo Muslimiinta Rohingya. "Waxaan jeclaan lahaa in aan maanta allah wada barino oo si gaar ah loogu duceeyo walaalaha Rohingya ."

Faallooyin