kooxaha xuquuqda Mareykanka oo sheegay in saraakiisha socdaalka Amerika ay ku xadgudbeen xuquuqda muhaajiriinta sharciyeesan,

08 February 2017

Laba ururada u doodidda sharciga ee dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay saraakiisha socdaalka Amerika inay si joogta ah ugu xadgudbeen xuquuqda muhaajiriinta sharciyeesan kuwaas oo laga mamnuucay inay wadanka soo galaan ee xayiraadda safarka Madaxweynaha Donald Trump.

Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah iyo Kathryn O. Greenberg Immigration Clinic Justice ayaa u gudbiyay cabasho ku saabsan waaxda arimaha amniga, iyagoo ku eedeeyay saraakiisha socdaalka iyo xuduudaha inay ku haysteen dadka saacado madaaradaha cunto la'aan iyo iyaga loo diiday in ay helaan qareeno.

Kooxaha xuquuqda ayaa gudbiyay 28 kiis kuwaas oo dadka haysta fiisooyinka sharci ah lagu qsbay inay saxiixaan foomamka ay aqbalayaan tarxiilka ka dib sharciga bishii January 27 uu saxiixay madaxweyne Trump ee xanibaya dhamaan muhaajiriinta iyo qaxootiga toddoba dal oo u badan Muslim.

Cabashooyinka ayaa sheegay in qaar ka mid ah soo galootiga sharciyeesan aysan garanaynin warqadaha ay saxiixayeen, iyadoo loogu gooddiyey in la mamnuucayo visa hooda shan sano, haddii ay ogolaan waayaan inay saxiixaan.

Comments