Maxamud Sirat Dhaayow oo u tartamaya kursiga xildhibaanka koonfurta wajir oo aad loogu soo dhaweeyay deegaanka

iyadoo dalka Kenya ee ka socoto olalaha loogu jiro doorashada guud ee dalka dhici doonto sanadkaan ayaa waxaa sii xoogaysanaya dadaalka ay wadaan musharaxiinta si ay u muujiyaan islamarkaana uga dhaadhiciyaan codbixiyayaasha inay iyaga doortaan.

Maal mahii ugu dambeeyay waxaa olala xoogan wada musharaxa ugu cad cad xilka xildhibaanimada ee degmada koonfurta Wajeer maxamud Sirat Dhaayoow oo socdaal dheer kusoo maray dhammaan deegaanada koonfurta wajir waxaana halka uu kala kulmay arrin aad u farxad gelisay sida uu hadalka u dhigay.

Mudanahii hore ee degmada ayaa u mahad celiyay shacabkii soo dhaweeyay islamarkaana qaaday iyo taageerayaasha qaas ahaan beesha uu kasoo jeedo oo ku kulantay deegaanka Abaq kooreey, kuwaasoo u muujiyay taageero hiil iyo hoo, teeda kale waxaa mahad taa lamid ah u celiyay shacabkii dadajabulakuwaasoo taageeray goaankii kasoo baxay shirweynihii beesha bahgeri ay ku yeesheen magaalada Abaqkooreey.

Wuxuuna ka codsaday dhammaan shacabka ree koonfurta wajir ee horuumarka jecel in ay iyagana codkooda siiyaan Qofkasta waxaa horyaalla wixii uu shacabka u qabtay iyo qofkasta kartidiisa iyo nasiibkiisa ayuu yiri.

Insha allah ree wajir soutrh waxaan ka rajeenayaa in markale ay fursad ii siiyaan inaan u adeego anoo balanqaadayo inaan hor usii wado shaqadii hore hormarna aan keeno ayuu yiri mudanaha.

Faallooyin