Dabley hubaysan oo Masjid ku yaal dalka Canada ku dishay 5 ruux

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay rasaas dabley hubeysan ay ku fureen masjid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka  Canada.

Wakaaladda wararka Reutersa ayaa qof goobjoog ka ahaa waxa uu usheegay in Saddex qof oo hubeysan ay rasaas ku fureen dad  ku tukanaayay Masjidka,  dadka masjidka ku tukanaayay ayaa gaarayeen  illaa 40 qof oo gudaha masjidka ku jiray.

Ciidamada  Booliska ayaa goobta soo gaaray waxayna xaqiijiyeen iney dhimashadu jirto, balse waxay ka gaabsadeen iney shaaciyaan tirada dadka dhintay, waxayna gacanta ku soo dhigeen Labo ka mida dableydii rasaasta furtay dhacdada ka dambeysay.

Waxaa sii kordhay tirada falalka ka dhanka ah dadka muslimiinta ah kuwaas oo ku nool magaalada Quebec sanadihii ugu dambeysayn, waxayna bartimaameed u ahaayeen kooxo xagjir ah oo islaam nacaybku uu ku xidideystay.

Faallooyin