Hooyo dishay wiilkeeda, 17 jir ah sababtoo ah, wuxuu ahaa raga u galmoodo raga kale

Hooyo 32-sano jir ah ee dalka Brazil ayaa mindi ku dishay wiilkeeda, sababtoo ah, iyadu waxay ka xumeed xaqiiqda ah in uu ahaa raga raga kale u galmoodo.

Waxay markii hore shaqalaysiisay laba nin oo dhalinyaro ah si ay u dilaan isaga, laakiin heshiiska uga baxay, taas oo keentay in iyada ay dilka fuliso. Wiilka adeerkiis ayaa u sheegay booliska in hooyada ay mar walba ka xanaaqsaneed wiilkeeda inuu raga kale uu galmoodo.

Hooyada 32-sano jirka ah ayaa qiratay in iyada ay mindi ku dishay wiilkeeda 17-sano jir ah, oo lagu magacaabo Itaberli Lozano, si uu u dhinto madaama uu ahaa raga raga kale u galmoodo.

Tatiana Lozano Pereira ayaa sidoo kale qiratay inay maydkiisa qarisay oo ay gubtay. Waxay sheegtay in ninkeeda oo adeer u ah Itarbeli uu ka caawiyey iyada inay maydka qariso, laakiin ma uusan ka qayb qaadan dilka.

Tatiana sidoo kale sheegtay inay shaqaalaysiisay laba nin oo da'da yar ah in ay sameeyaan dilka. Si kastaba ha ahaatee, markii labada nin ay heshiiska ka baxeen, ayay dishay Wiilkeeda ka dib markii uu hadal ka maqli waayay bishii December ee sanadkii hore.

Faallooyin