Maraykanka waa inoo joojiyaa taageerada ay u hayaan argagixisada, ayay sheegtay xildhibaanad kulan qarsoodi ah la yeelatay Bashar Assad

Mareykanka waa in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan argagixisada iyada oo loo marinayo Turkiga iyo Saudi Arabia ama maalgelinta tooska ah ee Daacish, ayay sheegtay xildhibaanad Maraykan ah, oo kasoo laabatay ka dib kulan qarsoodi ah oo ay la yeelatay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Tulsi Gabbard, oo ka mid ah xisbiga dimuqraadiga ah, ayaa hadalkan ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay Arbacadii.

War bixinta ayaa daba socotay safar afar maalmood ah oo ay ku tagtay Suuriya halkaas oo ay la kulantay qaxootiga, ​​qoysaska dagaalyahanada labada dhinac iyo sidoo kale Assad.

Ree galbeedka ayaa ku adkeesanaya in dhibaatada ka jirta Syria tan iyo sanadkii 2011 lagu soo afjari karaa oo keliya marka awooda laga qaado madaxweynaha dalkaas. Tani waa halka Ciidamada Syria ay la dagaalamayaan argagixisada Daesh (ISIL) , kuwaas oo loo tixgeliyaa cadaawayaashaada sidoo kale ree galbeedka.

"Asal ahaan, qorshaha iiguma jirin inaan la kulmo Assad, laakiin marka la siiyay fursada, waxaan dareemay in ay muhiim ahayd in aan qaato," ayay tidhi, , "Waxaan u malaynayaa in aynu diyaar u noqono inaan la kulano, qof kasta haddii ay noqoto ama ay jirto fursad ah in ay naga caawin karaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, kaas oo keenay dadka Suuriya inay wajahaan dhibaato aad u badan. "

Faallooyin