15 ruux oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq

17 January 2017

Wararka naga soo gaaraya Degmada Tal Yabes oo ku taalla Bariga Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ayaa waxa ay sheegayaan in labo Qarax ay ka dhaceen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waa ay ku dhawaacmeen .

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday labo Gaari oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Qaraxyada waxaa la la beegsaday goob ay joogeen ciidamada ammaanka dalka Ciraaq, waxaana dadka dhintay ay isugu jiraan Askar iyo shacab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Ciraaq ayaa sheegay in Qaraxyo ay ka dhaceen goob Mashquul badan oo ku dhow Suuqa degmada.

Comments