Diyaaradaha militariga ee Israel oo duqeeyay garoonka ciidamada cirka ee Suuriya.

Qaraxyo xoogan ayaa gilgilay xarunta ciidamada Cirka Suuriya ee koonfur-galbeed ee caasimadda Dimishiq, ka dib markii diyaaradaha militariga ee Israeli ay bartilmaameedsadeen saldhiga ciidamada.

Weerarka cirka ah ayaa lala eegtay Garoonka Militariga Mezzeh , oo wax ka yar siddeed kiiloomitir koonfur-galbeed ka xiga caasimada Dimishaq, aroortii hore ee jimcaha, kaa soo sababay dab weyn laakiin khasaare lahayn.

Siddeed qarax oo weyn ayaa laga maqlay ka dib markii weerarada cirka Israel oo lagu soo waramayo inay duqeeyeen saldhig hubka ee xarunta militiriga.

Weerarkan ayaa yimid in ka badan muddo bil ah ka dib markii ciidamada Israel ay gantaalo ka rideen dhulka ay xooga ku haystaan ee Falastiin kuwaas oo ay si gooni ah ula beegsadeen isla xaruntaasi ciidanka cirka Suuriya oo wax yar ka baxsan magaalada caasimada ah ee Dimishaq.

Faallooyin