Madaxweynaha Sudan oo qaliin wadnaha lagu suubiyay

Madaxweynaha Sudan, Omar al-Bashir ayaa lagu suubiyay qaliin yar oo wadnaha isbitaal ku yaala caasimada, Khartoum, sida ay xaqiijiyiin maamulka dalkaasi.

wakaaladda wararka ee The SUNA ayaa sheegay in Madaxweynaha laga daweeyay xanuun wadnaha iyadoo saraakiisha sida laga soo xigtay in isbitaalka Royal Care isla markiiba laga saaray ka dib markii la suubiyay hawsha qaliinka islamarkiina uu dib u bilaabay xilkiisa.

'' Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in (Al-Bashiir) uu maray qaliin sahan ah ee wadnaha isbitaalka Care Royal islamarkaana aysan jirin wax kurbo ah.

Al Bashir ayaa ka mid ah madaxda mudada ugu dheer xilka soo hayay ee qaarada Afrika . Waxa uun awooda kula wareegay inqilaab militiri sanadii 1989, waxaana uu tan iyo markas uu wali haya xilka ugu sareeya ee dalkasi Sudan.

Maxkamadda caalamiga ah ee ICC da ayaa isaga kusoo oogay dhawr dacwadood oo ay ku jiraan dembiyada xasuuqa, dembiyada dagaalka, iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha oo laga gaystay gobolka Dafur ee dalkaSudan.

Faallooyin