Gabdhaha Muslimiinta Switzerland oo lagu qasbay in ay ka qayb qaataan casharada dabaasha wiilasha iyo gabdhaha

Maxkamad Yurub ayaa xukuntay in gabdhaha Muslimka ay ka qayb galaan fasallada dabbaasha dugsiga ee isugu jira wiilasha iyo gabdhaha ka dib markii maxkamada ay diiday kiis ay soo gudbiyeen labo Turkish-Swiss ah kuwaas oo codsaday in gabdhahooda laga saaro hawlaha noocaas ah.

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR) ayaa talaadadii aqbalay go'aanka diidmada masuuliyiinta Swiss ee carruurta casharada dabaasha iyadoo faragelinaynin diinta ay aaminsan yihiin, laakiin meesha ka saaray in ay ahayd qiil ku salaysan kala saarida bulshada iyo ilaalinta carruurta.

Dugsiyada waxa ay leeyihiin "kaalin gaar ah ee geedi socodka is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan meelaha ay carruurta shisheeye ka soo jeedo ," ayuu yiri ECHR.

Waxa intaa ay ku dareen in casharada dabaasha "ma ahan oo keliya in ay bartaan inay dabaashaan, laakiin inay kala qayb qaataan hawlahaasi ardayda kale."

ECHR ayaa sidoo kale xustay in "qabanqaabo aad u dabacsan" loo sameeyey oo ay heli karaan qoysaska, sida ogolaado gabdhaha in ay soo xirtaan burkinis waqtiga casharrada.

Faallooyin