Madaxweynaha Uganda oo wiilkiisa, weyn u magacaabay la taliye sare ee madaxweynaha

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa wiilkiisa u magacaabay jagada la taliyaha sare ee Madaxweyne ee Hawlaha gaarka ah.

Magacaabista ayaa qayb ka mid aheed isbedel balaadhan oo Madaxweynaha uu awoodda uu u leeyahay sida Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida uu ku dhawaaqay Talaadadii.

Si kastaba ha ahaatee goa'aankaasi ayaa tuhun dhaliyay ee warar sheegaya in uu wiilkiisa usii diyaarinayo inuu noqdo bedelkiisa. Mahor-Jeneral Muhoozi Kainerugaba, ayaa ah curadkii madaxweyne Museveni.

42-sano jirka ayaa lagu dalacsiiyay darajada uu haatan heysta sanadkii la soo dhaafay. Hooyadiis Janet Museveni ayaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ka dib markii Museveni uu qabtay xilli shanaad xafiiska markii uu ku guuleystay doorashada, taasoo mucaaradka ugu weyn uu ku sheegay in lagu shubtay bishii February 2016.

Isku-shaandhaynta ciidamada Museveni ayaa lagu suubiyay 15 isbedel oo kan ugu sareeyo uu ahaa bedelkii madaxa Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda (UPDF) , Katumba Wamala, kaasoo boos laga siiyay golaha wasiirada .

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa difaacay isbeddelka cusub ee lagu suubiyay xilalka ugu sareeya ciidamada isagoo sheegay in ay ahaayeen kuwo caadi ah oo u wanaagsan horumarka dawlada.

Faallooyin