Madaxweynihii hore ee dalka Jarmalka Roman Herzog oo 82 jir ku dhintay

Madaxweynihii hore ee dalka Jarmalka Roman Herzog oo 82 jir ku dhintay10 January 2017

Madaxweynihii hore ee Jermalka, Roman Herzog, ayaa ku dhintay da'da 82 ka dib markii uu aad u xanuunsaday. Xiligii sagaashameeyada , Herzog ayaa ugu baaqay Jermalka in ay soo dhaweeyaan dib u habaynta dhaqaalaha iyo sidoo kale waxa uu horseedday muhiimadda ay leedahay in la xasuusnaado Holocaustigii Naaziga.

Waxa uu ahaa madaxa dalkaasi intii u dhaxeesay 1994 ilaa 1999 iyo Madaxweynaha toddobaad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Jermalka.

Madaxweynaha Joachim Gauck ayaa warqad tacsi ah u diray xaaskii uu ka tagay Herzog carmal Alexandra Freifrau von Berlichingen.

Gauck ayaa muujiyay "murug qoto dheer" ee dhimashada Herzog isagoo tilmaamay inuu ahaa qof shakhsiyad wanaagsan kaasoo dhisay is-fahamka iyo wada-noolaanshaha ee bulshada Jermalka isagoo khibrad, caqli iyo waayo aragnimo weyn u lahaa noolasha. Waxa uu u istaagay dalkeena iyo, xorriyaddiisa."

Comments