Obama: Eedeymaha khiyaanada Netanyahu ayaa ah dano siyaasadeed laakiin xaqiiqooyinka lama qarin karo

10 January 2017

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa iska fogeeyay eedaymaha Israel in uu ahaa maskaxdii ka danbeesay qaraarkii dhawaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyey hawlaha dhulbalaariska Israa'iil ee dhulka Falastiin.

Wareysi uu siiyay TV laga leeyahay Israeli, Obama ayaa sheegay in eedeymaha khiyaanada ay ku eedeenayaan Jamhuuriga Mareykanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ay yihiin mu'aamarad siyaasadeed.

Obama ayaa sheegay in eedeymaha ka dhanka ah maamulkiisa "waxaa laga yaabaa in ay si fiican ugu shaqeeyso inay ka jeediyaan dareenka iyo dhibaatada degsiimooyinka , waxaa laga yaabaa in saldhiga siyaasadeed ee Netanyahu ay u wanaagsanaato , iyo sidoo kale Jamhuuriga halkan ee Maraykanka , laakiin ma u dhigmaan mana qarin karaan xaqiiqooyinka jira.

" Golaha Ammaanka ee QM ayaa u codeeyay 14-0 bishii la soo dhaafay si ay u ansaxiyaan qaraarka 2334, taas oo lagu dalbaday in si deg deg ah lagu joojiyo hawlaha degsiimooyinka "sharci-darro ah ee Israa'iil ".

Mareykanka ayaa go'aansatay in ay ka aamusaan - oo diiday inay isticmaalaan codka qayaxan - islamarkaana ogolaaday in la ansixiyayo qaraarka .

Talaabadan ayaa ka careysiisay Netanyahu oo ku eedeeyey Madaxweyne Obama iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda John Kerry inay ka dambeeyaan falka uu ku tilmaamay mid "ceeb ah".

Comments