Iiraan oo xaflad aas qaran u sameesay Madaxweynihii hore ee Ayatollah Rafsanjani

Iiraan oo xaflad aas qaran u sameesay Madaxweynihii hore ee Ayatollah Rafsanjani10 January 2017

Kumanaan baroor diiqaya ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Tehran si ay u ixtiraamaan Ayatollah Akbar Hashemi Rafsanjani, Madaxweynahii hore ee Iran, kaas oo qayb weyn ka qaatay Kacaankii Islamiga ee 1979.

Subaxdii Talaadada, munaasabad weyn ayaa loo qabtay Sheekha ee jaamacadda Tehran, halkaas oo Hogaamiyaha Ruuxiga Jamhuuriyadda Islaamiga ah Ayatollah Seyyed Ali Khamenei uu tujiyay Salaadda Janaasadda.

Madaxweyne Xasan Rouhani, Guddoomiyaha Baarlamaanka Ali Larijani iyo Madaxa Garsoorka Sadeq Amoli Larijani ayaa sidoo kale ka qeyb galay aaska.

Dadka kale ee ka qayb galay waxa ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda, sharci-dajiyayaasha, madaxda militariga, Golaha Khubarada iyo sidoo kale tiro ka mid ah safiirada shisheeye iyo marti sharaf kale .

Maydka Sheekha waxa lagu qadariyay oo lagu aasay xabaalaha iyo dhinaca asaasahii Jamhuuriyadda Islaamiga ah Imam Khumeyni ee koonfurta Tehran galinkii dambe ee maanta.

Comments