Madaxweynaha Ivory Coast oo casilay 3 madaxda sare ee ammaanka kadib laba maalin kacdoon ciidan

Madaxweynaha Ivory Coast oo casilay 3 madaxda sare ee ammaanka kadib laba maalin kacdoon ciidan10 January 2017

Madaxweynaha Ivory Coast , Alassane Ouattara ayaa shaqada ka joojiyay dhamaan madaxda ammaanka ka dib kacdoon laba maalin ee ciidammada milateriga waddankaasi.

Madaxdii ciidanka militiriga, booliiska iyo ciidamada baliiska ayaa laga saaray shaqada sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo la sii daayay xilli dambe oo Isniintii.

Go'aankan ayaa yimaaday markii la ogolaaday dalabka ciidamada gadooday ka dib markii dowladda ay heshiis ka gaartay cabashadooda.

Xukuumadda, ayuu yiri, ayaa isku raacay in ay tixgeliyaan dalabka ciidamada ee kuu saabsan lacagaha gunnooyinka iyo xaaladda shaqada.

Saddexda sarkaal oo saameysey shaqa joojinta ayaa kala ah:

Jeneral Soumaila Bakayoko, Madaxa Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ivory Coast.

Jeneral Corps Kouakou Kouassi Gervais, Taliyaha sare ee Kalkaalinta Qaranka iyo

Agaasimaha Guud ee Booliiska Bredou M'Bia, Agaasimaha Maamulka ee Bilayska Qaranka.

Bedelaadooda ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in madaxweynaha uu u muujiyay islamarkaana u mahad celiyay madaxda la casilay hawshooda ay u qabteen dalka.

Madaxweynaha ayaa sabtidii xaqiijiyay in heshiis lala gaaray askarta gadoodsan si loo soo afjaro labo maalin oo xasilloon darro baahsan ka dhacday dalkaas..

Kacdoonka ayaa ka bilaabmay Jimcihii magaaladii hore ee mucaaradka Bouake ee gobolka dhexe islamarkaana ku faafay qaybaha kale ee dalkaasi galbeedka Afrika oo ay ku jirto caasimada maamulka, Abidjan.

Comments