13 ciidamada ammaanka Masaarida oo lagu dilay weerar deegaanka Siinay

Ugu yaraan 13 ciidamada ammaanka Masar ayaa lagu dilay weerar qorshaysan oo koox hubaysan ay kusoo qaadeen Isbaaro ku taala magaalada el-Arish,ee xarunta gobolka iyo magaalada ugu wayn ee Masar ee xiisadaha waqooyiga Siinay.

Sida ay sheegayaan wararka, saraakiil ayaa ka mid ahaa kuwii ku dhintay weerarka, kaas oo sidoo kale dad badan ay ku dhaawacmeen.

Wararka qaar oo laga soo xigtay saraakiisha ammaanka iyo ilaha qabiilka deegaanka ayaa lagu sheegay in qarax gaari lala eegty bar koontarool, taasoo keentay khasaaraha. Sida ay sheegayaan wararkaasi, qaraxa waxaa daba socday weerar rasaas ay dableyda ku fureen goobta.

Warbixin lagu sheegay Alarabiya ayaa sheegaya in dablayda ay bilaabeen weerarka toogashada iyagoo ku riday baasuukayaal (RPGs). Waxaa intaa ay raacisay warbixinta in ka dibna ay weerar ku qaadeen Isbaarada iyagoo isticmaalaya gaari waxyaabaha qarxa ka dibna ay rasaas isdhaafsadeen ciidamada ammaanka.

Tiro ka mid ah dadka rayidka ah ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida lagu sheegay warbixinta. Ciidanka iyo booliiska ayaa lagu soo waramayaa inay direen ciidama xoojiyo goobta weerarka iyadoo dagaallo ay weli ka socdeen. sidoo kale helicopters ayaa lagu soo waramayaa inay kor duulayaan deegaanka.

Faallooyin