Sudan: 115 muhaajiriin oo lagu qabtay soohdinta waqooyiga ay la wadaagto dalka Liibiya

Sudan: 115 muhaajiriin oo lagu qabtay soohdinta waqooyiga ay la wadaagto dalka Liibiya09 January 2017

kooxda maleeshiyada dowladda taageersan ee Sudan ayaa sheegay in ay badbaadiyeen qaar ka mid ah 115 la haystayaal ah ee kooxaha wax tahriibiya ee lamadegaanka xadka Sudan ay la wadaagaan Libya iyo Masar.

Taliyaha sare ee ciidamada Sudan (RSF) Mohamed Hamdan Dalgo ayaa u sheegay warbaahinta in inta badan dhibanayaasha ay ka soo jeedaan dalalka deriska ah, oo ay ku jirto Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in ay qabteen 1,500 oo muhaajiriin sharci-darro ah ee soohdinta dalka Sudan-Liibiya inta lagu guda jiray toddobadii bilood ee ugu dambeeyey.

Sudan waxaa loo arkaa dalka ay ay ka curatay iyo xarunta muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo tahriibinta dadka, iyadoo kumanaan ay ka gudbaan dhulkaasi iyagoo usii jeeda Yurub siina mara dhex mara dalalka Liibiya ama Masar.

Sudan ayaa waxaa saaran cunaqabatayn dhaqaale ee Maraykanka tan iyo 1997-kii islamarkaana weli ku jira liiska Mareykanka ee dalalka maal-galiya argagixisada, sida lagu sheegay wargayska Tribune ee Sudan.

Comments