Burundi oo xirtay lix qof oo lala xiriirinayo dilkii wasiirka deegaanka

Burundi oo xirtay lix qof oo lala xiriirinayo dilkii wasiirka deegaanka 09 January 2017

Maamulka Burundi ayaa xiray lix qof oo lala xiriirinayo dilkii wasiirka deegaanka , sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee dalkasi.

Emmanuel Niyonkuru, 54, jir ah oo ahaa wasiika biyaha, deegaanka iyo qorshaynta, ayaa toogasho lagu dilay wax yar ka dib saqda dhexe ee habeenkii sanadka cusub soo galayay kaasoo ahaa dilkii ugu-horeeyay ee sargaal sare oo dawlada ka tirsan tan iyo markii ay bilowdeen khilaafka siyaasadeed ee Burundi ku dhawaad ​​laba sano ka hor.

Bilayska ayaa si deg deg ah ugu tilmaameen dilka wasiirka inuu ahaa dil qorshaysan"inkasta oo sababta weerarka uu cadeen.

Xeer-ilaaliyaha Guud Sylvestre Nyandwi ayaa sheegay in wasiirka laga toogtay madaxa isagoo u socday gurigiisa ee magaalada Bujumbura. "Ka dib markii uu dhacay falkan xun, baaritaan deg deg ah ayaa la bilaabay iyadoo lix qof oo looga shakiyay dilka la qabtay kuwaas oo isugu jira afar nin iyo laba dumar ah, "ayuu yiri.

Niyonkuru waa wasiirka ugu horeyay ee Golaha Wasiirada ee la dilo, laakiin tirooyin ka mid ah saraakiisha sar sare ee taliska ayaa la beegsaday tan iyo markii ay bilowdeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay ka dib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu dalbaday inuu muddo saddexaad u tartamayo bishii April 2015.

General Adolphe Nshimirimana, oo ahaa Nkurunziza gacantiisa midig , ayaa la dilay bishii August 2015. Ku dhawaad ​​ sanad ka dib wasiirka dawladdii hore iyo Afhayeenka Xafsa Mossi ayaa iyadana waxa dilay dabley hubaysan iyada baabuurkeeda saaran.

Weerar kale ayaa lagu guuldareysatay, kaasoo la qorsheyay in lagu khaarijiyo la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Willy Nyamitwe, afhayeen loo arkaa inu yahay nin magac wayn ku leh dowladda, isagoo ka baxsaday weerar gaadmo ah oo Rag hubaysan ay kusoo qaadeen gurigiisa ee magaalada Bujumbura bishii November.

Burundi ayaa si toos ah ugu eedeeysa dawlad ay deriska yihiin ee Rwanda weerarrada.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa lagu dilay iyadoo 300,000 ay ka soo carareen dalka tan iyo markii ay xasillooni darada dalkas k bilaabatay iyadoo dibad-baxayaasha iyo ciidamada afgambiga qorsheeyay -ay isku dirireen muddada seddexaad ee Nkurunziza uu u tartamay.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda aadanaha warbixinadooda ayaa dhaliyay cabsida ah in dhibaatada siyaasadeed ee Burundi ay isku badasho dagaal qowmiyadaha, taasoo ay ka difeen inuu ka iman kara xasuuq.

Comments