Dr. Rodney Shakespeare: UK, US waxay doonayaan inay baabbi'iyaan dalalka Bariga Dhexe ee mucaarada Israa'iil

Dr. Rodney Shakespeare: UK, US  waxay doonayaan inay baabbi'iyaan dalalka Bariga Dhexe ee mucaarada Israa'iil 09 January 2017

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iiraan Ayatullah Cali Khamenei ayaa ka digay Dhagarta ay wadaan dawlada Britain ee ah in la baabiiyo dalalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Faalloodaha siyaasadeed Dr. Rodney Shakespeare, oo professor ka ah jaamacad ku salaysan London ,ayaa aaminsan in nidaamka siyaasadeed ee Britain iyo Maraykanka "ay ku shaqeeyaan " Zionism ama Yahuuda oo mabda 'ugu weyni uu yahay in la burburiyo dal kasta ee Bariga Dhexe oo ay uga shakiyaan inuu kasoo horjeedo dhul-ballaarinta Israa'iil.

"Taasina waa sababta sida ugu dhakhsaha badan loo arkaa dalalka muujiya in ay liitaan, ka dibna si deg deg ah waxa duulaan ku qaada ree galbeedka- sida Ciraaq, Syria, Yemen, Liibiya. Kuwani waa fursado yahuuda ay u arkaan inay ku baabbi'iyaan mucaaradka, ayuu "Rodney Shakespeare ku sheegay wareysi uu siiyay Press TV.

Waxa uu sidoo kale sheegay in "siyaasadda qarsoon" ee Britain iyo Maraykanka ay tahay inay burburiyaan dalalka madax banaan ee Bariga Dhexe si ay u abaabulaan maaliyadda caalamiga ah.

Comments