Myanmar: Kooxaha xagjirka ah ee Buddhist oo joojiyay munaasabad lagu xusayay dhalashada NABI Muxamed NNKH

Xag-jiriinta Buddhist ee cunsuriyiinta ah ayaa joojiyay munaasabad lagu xusayay dhalashada NABI Muxamed NNKH ee magaalada ganacsiga ugu weyn dalka Myanmar ee Yangon, iyada oo wali uu socdo ololaha lagu hoobtay ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee gobolka galbeed ee Rakhine.

Qabanqaabiyayaasha ayaa sheegay in daraasiin dad ah, oo ay hoggaaminayaan xagjiriinta calalada gaduudan ee madaxa xiiran ay soo weerareen xaflada si ay u joojiyaan munaasabada lagu xusayay dhalashada NABI Muxamed NNKH.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in cunsuriyiinta loo yaqaano Monks ay carqaladeeyeen xafladda wax yar ka dib markii ay bilowatay, iyagoo dalbanayaan in la joojiyo.

Kyaw Nyein, xoghayaha ururka Ulama Islam , ayaa ku tilmaamay weerarka cusub ee ka dhanka ah Muslimiinta inuu xadgudub ku yahay xorriyadda diimaha.

"Waxaan u dabaal degeenay xuskan noloshayda oo dhan. Hadda tani waxay u muuqataa weerar lagu qaadayo xoriyada diinta," ayuu yiri Nyein, isagoo intaa ku daray, "in Monks ay isku dayeen in ay joojiyaan xaflada iyagoo aan sheegin khaladka aan galnay...mana garanayo sababta maamulka uu arintaan talaabo uga qaadi waayay?

" Ciidamada ammaanka ma aysan soo faragalinin si ay u joojiyaan kooxaha xagjirka ah.

Sanadihii la soo dhaafay, kooxaha xagjirka ee Buddhist ayaa damcay inay xaddido Muslimiinta cibaadeeysta , iyagoo burburiyay masaajidda iskuna dayay in la mamnuuco xafladaha sida Ciidaha Islaamka.

Faallooyin