Madaxweynihii hore ee ugu saameynta badnaa Iiraan Ayatollah Rafsanjani oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee ugu saameynta badnaa Iiraan Ayatollah Rafsanjani oo geeriyooday09 January 2017

Guddoomiyaha Golaha danta iyo hogaansanaanta Ayatollah Akbar Hashemi Rafsanjani ayaa ku geeriyooday da'da 82 sabababa la xiriira xaaladiisa wadnaha.

Ayatollah Rafsanjani ayaa la dhigay isbitaal ku yaala waqooyiga Tehran axadii ka dib markii uu kusoo booday wadno xanuun.

Siyaasiga ugu saameynta badnaa dalkaasi Iran iyo sidoo kale qoraa weyn ayaa waxaa uu dhashay bishii August 25, 1934, wuxuuna ahaa madaxweynihii afraad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isagoo hogaaminayay dalkaasi intii u dhaxeeysay 1989 ilaa 1997.

Rafsanjani ayaa ahaa madaxa Golaha Khubarada 2007 ilaa 2011. Wadaadka saameynta badan ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Iran 1980 waxa uuna hayay xilkaasi ilaa 1989. Waxa uuna la wareegay xafiiska Guddoomiyaha Golaha danta 1989.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa la joogay isbitaalka halkaas oo Ayatollah Rafsanjani lagu daweenayay inta uusan geeriyoonin. Madaxa isbitaalka Shohada ee Tehran ayaa ku dhawaaqay dhimashada Ayatollah Hashemi Rafsanjani oo uu sheegay inuu wadnaha istaagay.

Ayatollah Hashemi Rafsanjani ayaa ka mid ahaa halgamayaasha kacaanka Islaamiga ah ugu weyna ee garabka weyn u ahaa hoggaamiyihii asaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Imam Khomeini. Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay inta lagu guda jiray kacdoonkii looga soo horjeeday -Shah iyo guushii Kacaanka Islaamiga oo dabadeedna marxalado kala duwan soo maray si loo aasaaso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Rafsanjani sidoo kale wuxuu ahaa xubin muhiim ah inta lagu guda jiray sideed sano oo dagaalkii Ciraaq ay ku soo rogeen Iran (1980-88), isagoo bedelay islamarkaana noqday taliyaha madaxa ka ah ciidamada qalabka sida.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka IRNA, aaska Ayatollah Hashemi Rafsanjani ayaa lagu qaban doona magaalada Tehran maalinta Tallaadada

Comments