Nin Falastiini oo afar askari oo Israeli ahaa ku dilay Magaalada Qudus

Nin Falastiini oo afar askari oo Israeli ahaa ku dilay Magaalada Qudus08 January 2017

Ugu yaraan afar askari oo Israeli ah ayaa lagu dilay halka qaar kale lagu dhaawacay kadib markii gaari xamuul ah uu jiiray ciidamada Israa'iil ee Bariga al-Quds ee dhulka la haysto.

Afhayeen u hadlay Booliska Israel, Luba Simari, ayaa sheegtay in dhacdada ay ka dhacay Armon HaNetziv (sidoo kale loo yaqaano Bariga Talpiot) oo ku wareegsan qayb ka mid ah koonfurta Bariga al-Quds.

Galabti axada gaari weyn ayaa wadada ku jiiray koox ka mid ah askarta Israel kuwaas oo kasoo degayay bas ay saarnaayeen, ayay tiri sida lagu xaqiijiyay wakaalada wararka ee Af Carabiga-Falestine al-Yawm.

Waxay intaa raacisay in afar askari Israeli ah naftooda ku waayeen, 18 kalena dhaawacyo kasoo gaareen weerarka .Saddex ka mid ah askarta oo dhaawacooda la sheegay inay ku sugan yihiin xaalad halis ah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegay in darawalkii gaariga la toogtay, iyada oo aan siinin wax tafaasiil ah oo ku saabsan aqoonsiga darawalka.

ilo Falastiiniyiinta, ayaa si kastaba ha ahaatee, sheegay in shahiidka loo aqoonsaday Fadi Qanbar - maxbuus hore oo deggana magaaladii qadiimka al-Quds.

Comments