Myanmar: Laba ka mid ah Muslimiinta Rohingyas oo la ciqaabay illaa dhimasho

Myanmar: Laba ka mid ah Muslimiinta Rohingyas oo la ciqaabay illaa dhimasho 08 January 2017

Ciidamada Myanmar ayaa ciqaabay oo dilay laba ka mid ah Muslimiinta Rohingya islamarkaana xabsiga dhigay tiro kale gobolka Rakhine.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilalka ay ka dhaceen inta lagu jiray taxane weeraro goos goos ah oo ciidamada ay ku qaadeen tiro ka mid ah tuulooyin ku yaalla waqooyiga Buthidaung, iyagoo intaa ku daray in tuulooyinka kale oo badan sidoo kale loo geystay jirdil xoog leh intii lagu jiray hawlgalka ciidamada.

14838892594b561.jpg

Inta lagu guda jiray weerarka, ugu yaraan 300 oo qof ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ayaa la sheegay in la garaacay oo la xiray, kuwaas oo 245 ka mid ah la sii daayay kadib markii laga qaatay baadd madax furasho ah.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in daraasiin ka mid ah haweenka ayaa sidoo kale la faraxumeeyay inta lagu guda jiray weerarka islamarkaana saddex dumar ah oo kale la waayay.

Comments