Iiraan oo ku eedeesay qoyska boqortooyada Sacuudiga inay qayaameen Islamka iyo Muslimiinta

Ku-xigeenka Amiirka Sacuudiga ahna Wasiirka Difaaca Maxamed bin Salman ayaa dhawaan dad badan ka yaabsaday markii uu aflagaadeeyay Dawlada Iiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Bahram Qassemi oo ka Jawaabaya hadaladiisa, ayaa ku eedeeyay Saudi Arabia inay qayb weyn ka tahay xaalada qasan ee Bariga Dhexe iyo rabshadaha iyagoo maal galinaya argagixisada.

Waxa uu sheegay in Amiirka hadaladiisa ay ahaayeen oo kaliya maraamarsiiyo ay ku yareenayaan dambiyada la galay ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Suuriya, Ciraaq, iyo Yemen.

Qassemi ayaa ku daray in Saudi Arabia ay qayaameen Islaamka iyo Muslimiinta sannadihii la soo dhaafay iyada oo ay isbahaysi la samaysteen ree galbeedka iyo taliska Israel islamarkaana garab siiyeen yahuuda in ay gumaystaan dadka Falastiin.

Waxa uu ku boorriyay saraakiisha Sacudiga inay isa saxaan habdhaqankooda oo ay ka fiirsadaan falalka ay sameenayaan oo ay ku burburayaan dalal badan oo muslim ah.

Faallooyin