Ruushka way ixtiraami doonaan Maraykanka marka aan xilka la wareego ayuu yiri madaxweynaha la doortay Donald Trump

Ruushka way ixtiraami doonaan Maraykanka  marka aan xilka la wareego ayuu yiri madaxweynaha la doortay Donald Trump08 January 2017

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dawlada Ruushka ay ixtiraami doonaan maamulkiisa "in ka badan maamulka Barack Obama.

Dhawr fariimood oo taxane ah oo Twitter uu ku qoray , madaxweynaha mustaqbalka ayaa sidoo kale ugu yeeray "doqon ama nacasyada," qof kasta oo khilaafa xiriirka wanaagsan ee Moscow.

"Xidhiidhka wanaagsan oo lala yeesho Ruushka waa wax fiican, wax xun ma aha keliya dadka 'doqonka', ama nacasyada, ayaa u maleeya in ay tahay wax xun.," Ayuu yidhi.

Trump ayaa diiday warbixinta hay'adaha sirdoonka Maraykanka in Russia faragalin ku suubisay doorashada 2016 ee Madaxweynaha, kaas oo isaga ku garab siiyay inuu ku guulaysto Aqalka Cad ugu yaraan afar sano.

"Waxaa na haysta dhibaatooyin badan adduunka umana baahni midka kale. Markii aan noqdo Madaxweynaha, Ruushka wuu na ixtiraami doonaa in ka badan haatan midka ay noo hayaan, "ayuu sheegay.

Comments