Diblomaasi Israeli ah oo la duubay isagoo ka hadlayo in la dilo Xildhibaanada UK ee Falastiiniyiinta taageersan

Diblomaasi Israeli ah oo la duubay isagoo ka hadlayo in la dilo Xildhibaanada UK ee Falastiiniyiinta taageersan08 January 2017

Sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee London ayaa kaamirooyinka qarsoon lagu qabtay isagoo sheegaya inuu qorsheeyay, in "la khaarijiyo " xildhibaanada Britishka ah oo taageersan Falastiin, oo ay ku jiraan wasiirka xafiiska arrimaha dibada Sir Alan Duncan.

Shai Masot, sarkaal sare oo siyaasadeed oo ka tirsan safaaradda Israel ee London, kaas oo sidoo kale sheegtay inuu yahay sarkaal military ee Israeli, ayaa sameeyay hanjabaado ku saabsan dhowr xildhibaan oo British ah inta lagu guda jiray baaritaan qarsoon oo ay sameesay Al Jazeera, sida lagu sheegay warbixinta lagu daabacay wargayska The Guardian sabtidii.

Masot ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo ama faahfaahin ku saabsan ka bixiyo waxa uu ula jeedo markii uu sheegay in uu doonayo in uu "ka takhaluso" tiro ka mid ah xildhibaannada Britishka.

Masot ayaa la hadlayay Maria Strizzolo, xubin ka mid ah shaqaalaha dawlada , taas oo hore u aheed caawiye wasiir Conservative-ka.

Sidoo kale inta lagu guda jiray wadahadalka la duubay waxa goob joog ahaa nin lagu magacaabo 'Robin' - kaas oo ay u maleeynayeen inuu la shaqeeyo kooxaha siyaasadeed ee saxiibka la ah Israa'iil , laakiin dhab ahaantii, Robin waxa uu ahaa wariye qarsoon.

Comments