Ninkii fuliyay weerarkii toogashada garoonka diyaaradaha ee gobolka Florida oo laga yaabaa in lagu xukumo ciqaab dil ah.

Ninkii fuliyay weerarkii toogashada garoonka diyaaradaha ee gobolka Florida oo laga yaabaa in lagu xukumo ciqaab dil ah.08 January 2017

Tuhmanaha weerarkii toogashada garoonka Fort Lauderdale-Hollywood International ee gobolka Florida ayaa lagu soo oogay dambi federal ah oo lagu xukumi karaa ciqaab dil ah, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Esteban Santiago, 26 jir ah ayaa rasaas ku furay rakaab ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee deegaanka Broward jimcihii, halkaa oo uu ku dilay shan qof, dhaawacayna lix kale.

Habeenkii Sabtida, Waaxda Garsoorka ayaa ku dhawaaqday in Santiago, in tuhmanaha oo horay uga mid ahaa ciidamada militiga ee ka hawlgalay Ciraaq islamarkaana kasoo jeeda deegaanka Anchorage, Alaska, lagu soo oogay fal rabshadaha ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah, taas oo danbigiisa lagu xukumi karo ugu badnaan, xukun, in la dilo ama xabsi daa'in.

Comments