Xamas oo ku eedeeyeen Facebook inay la shaqaynayaan Israa'iil

Xamas oo ku eedeeyeen Facebook inay la shaqaynayaan Israa'iil08 January 2017

Kooxda Hamas ayaa ku eedeeyay Barta Bulshada ee Facebook inay la heshiiyeen Israa'iil ka dib markii shabakada bulshada ay xirtay in ka badan 100 beej iyo akoontiyada horumarinta dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ku salaysan Gaza.

"Ololahan xagjirka ah ayaa yimid ka dib furitanka sanad guuradii 21-aad ee dilkii injineerkii ugu horeeyay ee Guutada Ezzeddin al-Qassam , Yahya Ayyash," sida uu u sheegay Husam Badran, Afhayeenka Hamas, wakaalada wararka Falastiin Ma’an News Agency .

Guutada Ezzeddin al-Qassam ayaa ah garabka ciidamada hubaysan ee Hamas ', kuwaas oo ka daafacayay dhulka xanibaadda la saaray ee Gaza falalka gardarada ah ee Israeli oo ay ku jiraan saddex dagaallo lagu hoobtay, oo dhexmaray sanadihii la soo dhaafay.

Saraakiisha Xamas ayaa sheegay in Facebook ay xidhay in ka badan 90 bog oo taageeraya kooxda Falastiiniyiinta iyo sidoo kale 30 akoonti oo shakhsiyaadka kooxda xiriirka la leh.

Comments