Jarmalka oo ka mudaaharaaday Ciidamo NATO ee dalkaasi la geeyay

Jarmalka oo ka mudaaharaaday Ciidamo NATO ee dalkaasi la geeyay08 January 2017

Dad badan ayaa dibad bax ka dhigay magaalada dekedda ee waqooyiga Jarmal kuwaas oo kasoo horjeeda ciidamada iyo gaadiidka NATO iyo hubka magaalada dhex maraya.

Mudaharaadyadan ayaa lagu qabtay magaalada dekedda leh ee Bremerhaven maalintii sabtida. Hubka iyo gadiidka dagaalka Maraykanka , oo ay ku jiraan 87 taangiyada iyo 144 gawaarida dagaalka Bradley, ayaa ku soo xirtay Magaalada dekedda leh kuwa oo loo qaybin doona dalalka xubnaha ka ah NATO ee Bariga Yurub si kor loogu qaado waxa ay ku tilmaameen "ka hor-taggida khataraha ka imaan kara iyo gardarada Ruushka.

" Mudaaharaadayaasha ayaa socod ku maray magaalada dekedda leh iyagoo lulayo calaamooyin iyo calammo ay ku qoranyihiin , "ma dooneeno ciidamadeeda NATO! iyo ha la joojiyo kacaanka ka dhanka Ruushka! ".

"Waxaan halkan u joognaa inaan sharaxo nabada Russia, maxaa yeelay, waxaan ka baqayaa dagaallo cusub ... islamarkaana dhaqdhaqaaq weyn ee noocaan waa mid ka mid ah arrin i cabsi galinayso, waxaan halkan u joogaa inaan ka hadlo oo aan ka hor tagno arintan ," ayuu yiri mudaharaadayaasha.

Comments