Dawlada Masar oo xirtay dibad baxayaal ka cabanaya Madaxweynaha Masar oo ku wareejiyay laba jasiiradood ee Badda Cas Saudi Arabia

Masar ayaa xiray 12 qof oo ka qeyb qaadanaya dibad baxa ka dhan ah go'aanka xukuumadda ee ah in ay ku wareejiyaan laba jasiiradood ee Badda Cas dawlada Saudi Arabia.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in bilaysku ay xireen dadka oo ku sugnaa agagaarka dhismaha Midowga Suxufiyiinta 'ee bartamaha magaalada Qaahira, halkaas oo dibad baxa uu ka dhacayay.

Ilo wareedyo, kuwaas oo xaalad qarsoodi ah ku hadlay madaama aan loo idman inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in tiro dad, inta badan sharciga yiqiinada iyo suxufiyiinta, ay ka qayb-galeen dibad-baxa.

Dibad-baxa ayaa yimid iyadoo dawladda bishii hore ansixisay heshiiska xuduudaha bada iyadoo loo gacan galiyay jasiiradaha istiraatiijiga ah ee Tiran iyo Sanafir Saudi Arabia islamarkaana baarlamaanka u diray, si loo ansixiyo.

Bishii April 9, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa ku dhawaaqay in jasiiradaha Tiran iyo Sanafir ay biyaha dhulka Saudi Arabia galaan sida ku xusan heshiiska xadka kala saxiixdeen Qaahira iyo Riyadh.

Go'aanka lagu muransan yahay ayaa horseeday banaanbax ballaaran , iyadoo dibad baxayaasha ay ku tilmaameen qorshaha mid aan dastuuri ahayn.

Dibad-baxayaasha iyo kuwa wax dhaleecaya ayaa ku eedeeyeen Sisi inuu dhulka Masaarida lacag ku badashay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan Qain dawladiisa ay 20 bilyan oo doolar oo gargaar ah ka hesho Riyadh taasoo badalkeeda uu ogolaaday inuu ku wareejiyo jasiiradaha.

Faallooyin