Itoobiya oo si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Ammaanka ee QM

02 January 2017

Itoobiya ayaa bishii June ee sanadkii hore ku guuleystay kursiga 'aan joogto aheen' ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uuna si rasmi ah ugu bilaabmay muddada labada sano ah maanta.

Itoobiya ayaa loo doortay Golaha islamarkaana helay codadka 185 ka mid ah 190 cod .Golaha ayaa waxa saaran masuuliyada aasaasiga ah ee nabadda caalamka iyo ammaanka. Waxayna Itoobiya bedelaysa Angola, wakiilka ugu danbeeyay Afrika ee Golaha.

Doorashada Itoobiya waqtigaas ayaa noqon mid la yaab leh, sababtoo ah, ma jirin dalka kale ee Qaarada Afrika oo la tartamay ka dib markii Kenya iyo Seychelles ay uga baxeen tartanka bishii Janaayo 2016.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa leh shan xubnood oo joogto ah - US, UK, Russia, China iyo France - iyo 10 xubnood oo aan joogto aheen.

Itoobiya waxay ku biiraysa dalalka Bolivia, Italy, Kazakstan iyo Sweden. Doorkoodu waxa qiimeeyey khubaro dhinaca ammaanka ah sida ay muhiim ugu yihiin qaarada.

Isagoo la hadlayay warbaahinta , Madaxa Afrika ee Machadka Daraasaadka Ammaanka Jakkie Cilliers ayaa sheegay,"Itoobiya inay door muhiim ah ka ciyaaraan marka la eego nabadda iyo ammaanka qaaradda Afrika iyagoo leh ciidamada ugu badan ee Afrika ee ka hawlgala gaar ahaan Soomaaliya iyo Sudan.

Comments