Bahrain: Rag hubeysan oo maxaabiis ka daayay xabsiga Jau ee dhow caasimada dalka Manama

Bahrain: Rag hubeysan oo maxaabiis  ka daayay xabsiga Jau ee dhow caasimada dalka Manama01 January 2017

Rag hubaysan ayaa weeraray xabsi ku yaal dalka Baxrayn, halkaas oo lagu hayay maxbuus lagu xukumay inay ka qayb qaateen dibad baxa ka dhan ah-dowladda iyagoo halkaa ku dileen askari bilays ah islamarkaana xabsiga kasii daayay maxaabiis tiradooda aan la sheegin.

Ciidamada ammaanka ayaa bilabay inay gacanta kusoo dhigaan kuwa weerarka soo qaaday iyo kuwa baxsade , sida ay ku sheegtay wasaarada arimaha gudaha bogooda Twitter maanta.

Weerarka ayaa ka dhacay xabsiga Jau ee koonfurta magaalada caasimada ee Manama.

"Weerarka hubeysan ee xabsiga dib u habaynta iyo dayactirka Jau ayaa lagu dilay askari boolis oo lagu magacaabo Abdul Salam Saif iyadoo ay xarunta ka baxsadeen tiro ka mid ah maxaabiista oo lagu helay dambiyada argagixisada," ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda.

Maxkamada Bahrain ayaa bishii January ee sanadkii la soo dhaafay ku xukuntay 57 nin 15-sano xarig ah kuwa oo ka qeyb qaatay 2015 rabshadaha gudaha xabsiga Jau.

Comments