kooxda Trump oo doonayo inay ku marti qaadaanNetanyahu xaflada caleema saarkabu

kooxda Trump oo doonayo inay ku marti qaadaanNetanyahu xaflada caleema saarkabu01 January 2017

La taliyayaasha Donald Trump ayaa qorshaynayaan in ay ku casuumaan Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu caleema saarka madaxweynaha la doortay ama inay diyaariyaan shir u dhexeeya laba hogaamiye ka hor inta uu la wareegin xilka dabayaaqada bishan, sida ay sheegeen dadka u dhow kala guurka.

"Waxaa jira qorshe lagu doonayo in Trump uu la kulmo Netanyahu," sida uu u sheegay ilaha ku dhaw wargayska Associated Press maanta .

"Waa ay wada xiriiraan mar walba . Netanyahu waxa ay u badantahay inuu kasoo qayb galo caleema saarka. 

Dhanka kale, warbaahinta Israel ayaa sheegay in kooxda Trump ee maamulaya kala guurka , oo uu hoggaaminayo wiilka uu sodoga u yahay Trump Jared Kushner, islamarkaana uu la xiriiray Netanyahu maanta si uu isaga ugu casuumo xafladda oo la qaban doonaa 20 bisha January

Comments