Buundada ugu dheer adduunka oo laga furay Shiinaha

Buundada ugu dheer adduunka oo laga furay Shiinaha01 January 2017

Buundada ugu dheer adduunka ayaa loo furay inay isticmaalaan gaadiidka ee wadanka Shiinaha, taasoo isku xidha laba gobollada koonfurta galbeed ee buuraleyda islamarkaana yaraysay waqtiyada safarka dheer ee loo gali jiray, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawlada.

Wasaaraddu gaadiidka gobolka Guizhou ayaa qoraal ay dhugeen website-ka ayaa sheegay in Buundada Beipanjiang ay ka sareeyso 565 mitir (1,854 feet) webiga islamarkaana ay isku xirto labada gobollada buuraleyda ah ee Yunnan iyo Guizhou.

Buundada ayaa waxa ay yaraysay waqtiyada safarka loo gali jiray inta u dhexeeysa magaalooyinka Xuanwei ee Yunnan iyo Shuicheng ee Guizhou in ka badan afar saacadood ku dhowaad .

Buundada dheerarkeedu yahay 1,341-meter ayaa waxaa ku baxay 1 bilyan oo yuan ($ 144 million) si ay u dhisaan, sida laga soo xigtay wargeyska maxali ah Guizhou Daily.

Waxay kala goysaa wabiga Du River ee gobolka dhexe ee Hubei islamarkaana ka dhigtay buundada ugu dheer adduunka , sida ay ku sheegeen war qoraal ah waaxda gaadiidka ee labada gobol.

Comments