Yahya Jammeh oo sheegay in ciidamada ECOWAS la geeyo Gambia ay tahay 'fal dagaal'

Yahya Jammeh oo sheegay in ciidamada ECOWAS la geeyo Gambia ay tahay  'fal dagaal'01 January 2017

Madaxweyne Yahya Jammeh ayaa sheegay in go'aanka Urur Gobaleedka wadamada Galbeedka Afrika in ay ciidamo usoo diraan Gambia si ay isaga ugu khasbaan inuu aqbalaa guuldaradii soo gaartay doorashada madaxtinimada bishii la soo dhaafay inay tahay dagaal si bareer ah loogu dhawaaqay".

Hogaamiyeyaasha Urur Gobaleedka ECOWAS, ayaa ciidamada geeyay Gambia khamiisti ka dib markii Jammeh uu sheegay inuusan aqbali doonin natiijada doorashada December , taas oo uu uga guulaystay hoggaamiyaha mucaaradka Adama Barrow.

Farriin sannadka cusub oo lagu baahiyay idaacada sabtidii , Jammeh ayaa sheegay in "isdabamarinta iyo eexashada hal dhinac" ee ECOWAS, " ay ka dhigayso dawladahaasi inaysan u qalmin dhexdhexaadinta".

"Waxaan rabaa inaan si fiican u cadeeyo booskeena, waxaan diyaar u nahay in dalkeena ka difaacno gardarada kasta," ayuu yiri Jammeh, isagoo intaa ku daray in haddii ECOWAS aysan ka noqon "in xaalada ay faraha ka bixi karto oo ay dhici doonto halista ah iska hor imaad ciidan".

Waxa uu hadalkiisa raaciyay, "Waxa aan si fudud oo aan xaq u leenahay weydiisanayna waa in lagu celiyaa doorashada islamarkaana loo ogolaado Gambians inay doortaan qofka ay doonayaan inuu u noqdaa madaxweynaha doorasho xor iyo xalaal ah."

Comments