Wasiirka deegaanka Burundi oo toogasho lagu dilay

Wasiirka deegaanka Burundi oo toogasho lagu dilay 01 January 2017

Wasiirka deegaanka Burundi ayaa lagu dilay magaalada Bujumbura , booliska ayaa sheegay inuu ahaa, dilkii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii uu dalku muquurtay jahwareer siyaasadeed sanadii 2015.

Emmanuel Niyonkuru, 54 jir ah, islamarkaana ahaa wasiirka biyaha, deegaanka iyo qorshaynta, ayaa la dilay wax yar ka dib saqda dhexe, sida uu xaqiijiyay afhayeenka bilayska Pierre Nkurikiye.

Dilka, oo ahaa kii ugu horreeyay ee Wasiir u adeega dowladda tan iyo markii Burundi ay gashay jahwareer siyaasadeed ka dib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu dalbaday muddo saddexaad 2015, ayaa yimid dhawr bilood oo xasilooni la dareemay.

"Wasiirka biyaha iyo deegaanka ayaa waxaa dilay dambiilayaal hubaysan isagoo u socda gurigiisa Rohero, ayuu ku qoray twiterka Nkurikiye afar saacadood ka dib dhacdada. Wuxuu intaa ku daray in qof dumar ah la soo xiray ka dib "dilka".

Comments