Hogaamiyaha Boko Haram oo ugu baaqay xooggaga saaxiibadiisa ah in ay "dilaan, qowracaan oo ay afduubtaan gaalada

Hogaamiyaha kooxda argagaxisada ee Boko Haram ee ku salaysan Nigeria ayaa ugu baaqay Xarakada in la xoojiyo rabshadaha ka dhanka ah dadka, isagoo beeniyay sheegashada dhawaan ee dowladda Nigeria inay kooxda ka adkaadeen.

Muuqaal fidiyoow ah oo ay kooxda soo dhigtay barta YouTube jimcihii , isagoo hor taagan Ciidan badan oo hubeysan iyo dhawr Gawaadhida meel aan la shaacin, ayaa ninka isku sheegay magaciisa Abubakar Shekau, oo amiir u ah kooxda argagixisada ah, ayaa ugu wacay xooggaga saaxiibadiis aha in ay "dilaan, oo ay qowracaan islamarkaana afduubaan dhammaan gaalada oo ay ku qarxiyaan bamka meel walba."

"Waxaan halkan u joogaa inaan muujiyo inaan nabad qabo, oo aan noolahay," ayuu yiri, isagoo dafiray wararka dowladda Nigeria oo horay u sheegay inuu ku dhaawacmay weerar cirka oo lala eegtay kooxda-argagixisada.

Waxa uu sidoo kale beeniyay in ciidanka Nigeria ay ugu dambeyntii ka adkaadeen argagixisada ka dib markii ay qabsadeen dhufayska ugu weyn ee ugu danbeeyay kooxda Boko Haram. "Abubakar Shekau ayaa intaa raaciyay in dagaalka uu kaliya hada bilaaw yahay."

Faallooyin