Turki: Ugu yaraan 39 qof oo lagu dilay weerar hubaysan goob lagu caweeyo magaalada Istanbul

Ugu yaraan 39 qof ayaa lagu dilay halka 69 kalena lagu dhaawacay weerar hubaysan oo ka dhacay goob lagu caweeyo ee magaalada Istanbul dalka Turkey sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sida ay sheegayaan wararka, ninka falka gaystay oo xidhnaa dharka Santa Claus, ayaa dilay askari bilays ah iyo qof rayid ah ka hor inta uu gudaha u galin goobta halkaa oo uu rasaas ku furay dadkii u dabaal degayay sanadka cusub ee goobta lagu caweeyo fiidkii hore ee xalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkishka Suleyman Soylu ayaa sheegay in 21 ka mid ah dhibbanayaasha la aqoonsaday, kuwaas oo 16 yihiin dadka ajnabiga ah iyo shan u dhashay dalkaasi Turkiga.

Afar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa xaalad halis ah ku jira ayuu sheegay masuulka , isaga oo intaa raaciyay, "inay ku raad joogaan gacan ku dhiiglaha falka gaystay islamarkaana ... Waxaan rajeynayaa in dembiilaha si dhakhso ah loo soo qaban doona, hadduu Alle idmo ayuu yiri.

" Guddoomiyaha Istanbul Vasip Sahin ayaa maanta u sheegay suxufiyiinta goobta tegay, in dambiilaha uu "isticmaalay hubka ridada dheer oo halista ah... islamarkaa u fuliyay weerarka si waxashnimo ah oo nacayb badan isagoo toogasho ku laayay dadka aan waxba galabsan kuwaas oo kaliya u dabaal degayay Sannadka Cusub.

Faallooyin