Iran iyo Ruushka oo soo dhaweeyay xabad joojinta suuriya kuna baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka argagaxisada

01 January 2017

Madaxweynayaasha Iran iyo Ruushka ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta ka socota dalka Suuriya oo dhan, iyagoo carabka ku adkeeysay muhiimadda in la qaado tallaabooyin dheeraad ah si ay ula dagaallamaan kooxaha argagixisada.

Labada hogaamiye oo kuwada hadlay telefoonka sabtidii , Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kooxaha dagaalyahanada , oo ay ku jiraan Daesh iyo Jabhat Fateh al-Sham, oo hore loogu yaqaanay al-Nusra Front, ay sii wadaan.

Labada Madaxweyne ayaa isdhaafsaday aragtida ku saabsan iskaashiga Iran, Russia iyo Suuriya ka hor wadahadalo nabadeed oo la qorsheeyay in lagu qabtaa Astana, Kazakhstan, oo u dhexaya labada dhinac ee ku dagaalamaya Suuriya.

"Waxaan soo dhawaynaynaa xabad joojinta oo lagu gaarey iyada oo sababtu tahay iskaashiga u dhexeeya Iran, Russia iyo Suuriya , waxaan sidoo kale ka fikiraynaa tashi dheeraad ah iyo wada shaqeen ka mid ah dalalka ka hor kulanka Kazakhstan ," ayuu yiri Rouhani.

Comments