Warbixin: Ku dhawaad 15,000 oo Israel ayaa xoog ku galay Masjidka Al-Aqsa sanadii 2016

Warbixin: Ku dhawaad 15,000 oo Israel ayaa xoog ku galay Masjidka Al-Aqsa sanadii 201631 December 2016

Ku dhawaad ​​15,000 oo Israel ayaa xoog ku galay xarunta Masjidka Al-Aqsa ee Bariga al-Quds tan iyo bilowgii 2016, sida ay sheegeen kooxda Islaamka.

Kooxda, Waqf Islaam ee Quds, taas oo gacanta ku haysa maamulka xarunta ee gudaha iyo agagaarka Haram esh-Sharif ayaa sii daayay tiradaasi hadal dhowaan ay soo saareen.

Maalinti khamiista, afhayeenka xukuumadda Jordan Mohammed al-Momani ayaa cambaareeyey iskuday kasta oo ay Israel ku weeraraan ama galaan xarunta Masjidka Al-Aqsa ay tahay sharci-darra iyo fal dagaal oo ka dhan ah goobta Islamka quduuska ah.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Urdun inay ka go'antahay sidii ay u ilaalin lahayeen masjidka Al-Aqsa.

hadalka Momani ayaa yimid iyadoo ay Masjidka Al-Aqsa ay xoog kusoo galeen 149 degayaasha sharci darada Israel maalintii khamiista.

Comments