Ugu yaraan 25 qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalada Baqdaad iyadoo dagaalka Mosul uu sii xoogeysanayo

Ugu yaraan 25 qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalada Baqdaad iyadoo dagaalka Mosul uu sii xoogeysanayo31 December 2016

Laba bam ayaa ku qarxay suuq mashquul badan ee bartamaha magaalada Baqdaad maalintii sabtida oo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale, siday booliska iyo dhaqaatiirta sheegeen.

Ma jirin markiiba cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin xarakada Daacish ayaa si joogto ah u bartilmaameedsada-dadka rayidka ah ee caasimada Ciraaq.

Bilayska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhaw dukaamada lagu iibiyo qalabka gawaarida inta lagu guda jiray xilliga mashquulka subaxdii.

Mid ka mid ah qaraxa ayaa wuxuu ahaa ismiidaamin , kan kalena wuxuu ahaa qarax la beeray sida ay xaqiijiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq.

Kooxda ISIS ayaa lumiyay inta badan dhulka waqooyiga iyo galbeedka oo ay qabsadeen 2014 iyagoo hadda kula dagaalamaya ciidamada Ciraaq magaalada waqooyi ee Mosul, taasoo ah xaruntii ugu danbeesay oo ay ku xooganyihii kooxda dalkasi.

Comments