Merkel oo sheegtay in argagixisada Islaamiyiinta ay yihiin caqabada ugu weyn ee Jermalka

Merkel oo sheegtay in argagixisada Islaamiyiinta ay yihiin caqabada ugu weyn ee Jermalka31 December 2016

Argagixisada Islaamiyiinta waa caqabada ugu weyn ee soo food saartay Jermalka , ayay tiri Chancellor Angela Merkel oo sabtidii jeedisay cinwaanka sannadka cusub ee qaranka, iyadoo wacad ku martay inay soo bandhigto sharciyo lagu wanaajiyo ammaanka ka dib markii weerar lagu hoobtay uu ka dhacay dalkaasi ka hor Christmaska ee magaalada Berlin.

Iyadoo ku tilmaamtay sanadii 2016 sano ay in badan dadka dunida u arkayeen inuu suur gaddoon yahay," Merkel ayaa ugu baaqday Jarmalka inay ka foogaadaan siyaasadaha khaldan oo ay qaataan doorka hoggaamineed ee wax ka qabashada caqabadaha badan ee Midowga Yurub.

Mrs Merkel ayaa sheegtay inay aad uga xumaatay marka ay aragtay in falalka argigixisinamo ay geysanayaan dad magangalyo ka dalbaday Jarmalka.

Dhanka kale Merkel ayaa sidoo kale ka digtay in dhamaan dadka lala xiriiriyo argigixisanimada, waxaayna ugu baaqaday shacabkeeda inay u naxariistan dadka kale ee aan waxba galabsan.

Kooxaha Libaraalka ee guud ahaan Atlantiga ayaa amaanay Merkel sida ay ugu istaagtay xasiloonida iyadoo sanadan waxyaaba badan iska badaleen dunida.

Comments