Donald Trump oo ku tilmaamay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin nin 'aad u caqli badan'

Donald Trump oo ku tilmaamay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin nin 'aad u caqli badan' 31 December 2016

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa amaanay go'aanka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo go'aansaday inuu ku dayanin xukuumada Washington oo dhawaan ballaariyay cunaqabataynta Moscow.

Madaxweyne Barack Obama ayaa khamiisti amar ku bixiyay cunaqabatayn cusub ee dawlada Ruushka iyo sidoo kale cayrinta 35 diblomaasiyiinta Ruushka, oo lagu eedeeyay basaasnimo.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Putin ayaa go'aansaday inaan la cayrinin diblomaasiyiinta Mareykanka si looga fal celiyo, isagoo sheegay inuu sugi doono maamulka Trump si ay u xaliyaan arrinta.

"Fariin qoraal ah oo uu dhigay barta Twitter-ka ayuu Donald Trump ku sheegay -Madaxweyne Putin ,Waxaan mar walba ogaa inuu ahaa mid aad u caqli badan.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa timid ka dib markii Aqalka Cad iyo Sirdoonka Maraykanka ay ku eedeeyeen Ruushka inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday.

Hay'adda Sirdoonka Dhexe (CIA) ayaa ku ogaaday qiimeyn qarsoodi ah in Kremlin fara gelin ku sameeyeen doorashada November 8 oo si gaar ay u caawiyeen Trump inuu ka adkaado musharaxa Democratic Hillary Clinton.

Russia iyo Trump ayaa labadoodaba beeniyay eedeeymaha, Putin ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanka uu soo bandhigo caddeyn ama joojiyo eedeymaha aan raadka lahayn.

Comments