DRC: Shan qof oo lagu dilay weerar ay soo qaadeen maleeshiyo doonayay inay hub ka dhacaan saldhig militari

DRC: Shan qof oo lagu dilay weerar ay soo qaadeen maleeshiyo doonayay inay hub  ka dhacaan saldhig militari31 December 2016

Shan qof ayaa lagu dilay afar kalena way ku dhaawacmeen jimcihii weerar lagu qaaday saldhiga ciidanka militiriga oo ku yaala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), sida ay xaqiijiyeen ilo amaanka.

Dadka dhintay ayaa waxay ka kooban yihiin laba askari Congo iyo saddex maleeshiyada.

Afhayeenka ciidamada ee ku sugan gobolka, Captain Mak Hazukay, ayaa xaqiijiyay weerarka iyo tirada khasaaraha isagoo sheegay in maleeshiyada ay doonayeen inay xadaan hub iyo rasaas" ku Kaydsanaa xarunta guud ee ciidamada.

"Kooxda Mayi-Mayi ayaa weeraray FARDC (ciidanka Congo) ee ku sugan deegaanka Kirumba, iyadoo weerarka ay ku dhinteen saddex Mai-Mai, laba askari FARDC iyo afar dhaawac ah," ayuu yiri Julien Paluku, gudoomiyaha waqooyiga gobolka Kivu oo ay ku taalo Kirumba.

Comments