Madaxda caalamka oo dhaleeceeyay Aung San Suu Kyi oo ku fashilantay inay wax ka qabato xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya

Madaxda caalamka oo dhaleeceeyay Aung San Suu Kyi oo ku fashilantay inay wax ka qabato xasuuqa lagu hayo muslimiinta Rohingya31 December 2016

Qaar ka mid shaqsiyaadka ku guulaystay abaalmarinta bilad sharafka nabadeed ayaa ku dhalleeceeyay hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi inay ku guuldareysatay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee Muslimiinta Rohingya ee gobolka Rakhine, iyaga oo ku boorriyay in tallaabo degdeg ah si looga fogaado "xadgudubyada iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha".

Warqad furan oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay khamiisti, ayaa 23 ka mid ah dadka aduunka laga xushmeeyo , oo ay ku jiraan 13 ku guulaystay abaalmarinta bilad sharafta iyo 10 madaxda caalamka, ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin sida ay ula dhaqmayaan dawlada ay madaxa u tahay Suu Kyi oo ku fashilmeen in la ilaaliyo xuquuqda muslimiinta Rohingya.

"In kasta oo marar badan laga codsaday Aung San Suu Kyi, waxaan ka careysanahay in iyadu aysan qaadin wax talaaba ah si loo hubiyo in xuquuqda muwaadinimada si buuxda loogu siman yahay ," ayaa warqadda lagu yiri oo saxiixayaasha ay ku jiraan Desmond Tutu iyo Shirin Ebadi.

"Ms. Suu Kyi waa hogaamiyaha iyada ayaa leh mas'uuliyadda ugu wayn ee hogaanka oo horseedi karta , in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha iyo naxariista," ayaa lagu yiri.

Comments