Kabila oo iska casili doona xilka ka dib doorashooyinka lagu gaaray heshiiska cusub

Kabila oo iska casili doona xilka ka dib doorashooyinka lagu gaaray heshiiska cusub31 December 2016

Joseph Kabila ayaa ka degi doona xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo kadib markii doorasho la qabto ka hor dhamaadka 2017, taa soo qayb ka ah heshiis qabyo ah oo ay gaadheen dhinacyada siyaasadda, oo ay dhexdhexaadinayaan hogaanka Kaniisadaha Catholic ah.

Heshiiska la gaaray Jimcihii, laakiin weli aan la saxiixin, ayaa waxa ku jira in Kabila uu awood u lahaan doonin inuu beddelo dastuurka si uu usii dheereysato mudadiisa iyo inuu mar saddexaad tartamo, ayuu sheegay Marcel Utembi, oo madax ka ah guddiga Baadariyaasha Catholic ah 'ee DRC.

Dowladd KMG ah ayaa la dhisi doonaa bisha March ee sanadka soo socda, "Inta lagu jiro wakhtigan ee dowladda KMG ah, waxay diirada saari doonaan in Ra'iisul wasaare laga soo magacaabo mucaaradka. Taasi oo muhiim u ah mucaaradka madaama ay u baahan yihiin inay qayb weyn ka qaataan xukuumadda.

Waxa sidoo kale loo ogolaanayaa siyaasiyiinta dalka laga masaafuriyay inay ku soo laabtaan dalka cabsi la'aan.

Comments