21 ruux oo ku geeriyootay qaraxyo mataano ah oo ka dhacay dalka Ciraaq

31 December 2016

Ugu yaraan 21 Ruux ayaa Geeriyootay halka ugu yaraana 40 kalena ay dhaawacantay kadib Markii qaraxyo Goordhow ay ka dhaceen Bartamaha suuq ku yaala magaalada Baqhdad Ee Caasimada Dalka Ciraaq.

Qaraxa  ayaa ka dhacay Suuq Mashquul ah oo Lagu Magacaabo Al-Sinak oo dhaca Bartamaha Magaalada Baqhdad Ee Caasimada Dalka Ciraaq.

Qaraxa ayaa sababay Dhimashada Dad Gaaraya 21 Ruux iyo Dhaawac dad intaasi ka badan oo Dhamaan Ahaa Dad Shacab ah uu Suuqa Ku Sugnaa Qaarna ay Ahaayeen kuwo Ganacsanyay Kuwana ahaa Ganacsatadii Suuqa.

Majirto ilaa iyo Iminka Cid Si rasmi ah u sheegtay Qaraxyadaasi oo ahaa kuwo Labo Ah oo inyar uun kala dambeeyay.

Dalka Ciraaq Waxaa ka dhaca Qaraxyo Qasaare Geeysta oo ka dhaca Meelaha Dadku ay ku Badanyihiin waxaana masuuliyadooda Sheegatay Kooxda Daacish.

Comments