Kooxaha ugu weyn ee Shiicada iyo Sunniga ee baarlamaanka Ciraaq oo ka wada hadlaya mustaqbalka Ciraaq iyo Kooxda Daacish

Kooxaha ugu weyn ee Shiicada iyo Sunniga ee baarlamaanka Ciraaq oo ka wada hadlaya mustaqbalka Ciraaq iyo Kooxda Daacish30 December 2016

Kooxaha ugu weyn ee Shiicada iyo Sunniga ee baarlamaanka Ciraaq ayaa gaaray heshiis hordhac ah oo ku saabsan sida dalkaasi dib loogu soo celin lahaa xasiloonida ka dib guuldaradii soo gaartay kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwa oo inta badan laga saaray goobihii ay ku sugnaayeen dalkaasi.

Hoggaamiyayaasha shiicada ee xisbiga (INA) iyo Isbahaysiga Sunniga (IFC) ayaa ka shaqeeyay heshiiska, kulan eey ku yeesheen Baarlamaanka sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Salim al-Jabouri.

Kulanka, ayaa looga hadlay mida ugu horeysa in laga cirib tiro Ciraaq kooxda Daesh-wadahadalada u dhexeeya Jabouri iyo Hogaamiyaha INA Ammar al-Hakim.

Sida laga soo xigtay Jabouri, labada dhinac ayaa ku heshiiyeen muhiimadda ay leedahay in la iska ilaawo in hal dhinac uu "ku guuleysto dawlada islamarkaana isla garteen in isku tanaasul iyo wada shaqeyn ay lagama maarmaan tahay si dib loogu dhiso dalka loogana adkaado Xoogaga argagixisada.

Comments