Saudi Arabia oo ugu yeedhay Iran si ay ugala hadlaan arimaha Hajjka

Saudi Arabia oo ugu yeedhay Iran si ay ugala hadlaan arimaha Hajjka30 December 2016

Wararka ayaa sheegaya in Saudi Arabia ay ku casuumtay Iran si ay uga wadahadlaan in dib loo bilaabo xajka xujayda Iiraaniyiinta, ka dib masiibadii ka dhalatay isbuurashada xujayda islamarkaana dawlada Sacuudiga ay hakad galisay hawlaha xajka Iran.

Wargayska Ku salaysan London ee al-Hayat ayaa lagu sheegay in wasiirka Xajka Saudiga Mohammed Bentin uu wadahadalo u furay in ka badan 80 dal, oo uu ku jiro Iran, si ay uga shaqeeyaan faahfaahinta arimaha Xajka 2017.

"Wafdiga Xajka Iran ayaa lagu casuumay in ay yimaadaan boqortooyada" si ay uga qayb galaan wadahadalada, sidaana waxa lagu yiri wargayska.

Saraakiisha Iran weli kama aanu jawaabin warbixinta. Wargayska Maalinlaha ee Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumada Riyadh ay ku soo dhaweyn doonto xujayda xajka iyadoo aan la"eegin Jinsiyadaha ama diinba kooxeed, oo ay ku jiraan xujayda Iran."

Comments