Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Lavrov oo soo jeediyay in la cayriyo 35 diblomaasiyiinta Maraykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Lavrov oo soo jeediyay in la cayriyo 35 diblomaasiyiinta Maraykanka30 December 2016

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay inuu u soo jeediyay Madaxweyne Vladimir Putin inuu cayriyo 35 diblomaasiyiinta Mareykanka taa soo looga jawaabayo go'aanka Washington.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Russia... ayaa ka codsaday Madaxweynaha dalka Ruushka inuu ogolaado in la joojiyo hawlaha 31 shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Moscow iyo afar diblomaasiyiinta qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Saint Petersburg," ayuu yiri Lavrov.

Wasaaradda ayaa sidoo kale doonaysa in la mamnuuco diblomaasiyiinta isticmaala guriga martida oo ku yaalla galbeedka Moscow iyo bakhaar ku yaalla waqooyiga ee magaalada.

Hadalka Lavrov ayaa imaanaya, ka dib markii Madaxweyne Barack Obama uu sheegay in Maraykanka uu xirayo laba xarumaha Ruushka.

Lavrov ayaa sheegay in labada aqal ee dalka Ruushka ku leeyahay New York iyo Maryland loo isticmaalayay in la geeyo xilliga fasaxa carruurta balse lagu tilmaamay in ay hooy u tahay basaasiinta Ruushka."

"Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay inaan arintan la iska indha tiri karin iyadoo aan laga jawaabin.

Isdhaafsiga waa sharciga ee diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah," ayuu yiri, waxaana rajeynayaa in Putin uu ansixiyaa codsiga "si degdeg ah."

Comments